Dalalka dhaqaalaha ku horumaray ee G20 ayaa maanta fadhi ka yeelanaya waxa laga yeelayo dhibaatooyinka dhaqaale xumo ee ka taagan Afghanistan sida uu shaaciyay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.

Xoghaye Antonio waxa uu sheegay in Afghanistan ay u baahan tahay dhaqaale lagu taageero balse laga fogaanayo in Taliban oo qabsatay 15-kii August 2021 uu u gacan galo dhaqaalahaas loogu deeqayo sida uu hadalka u dhigay.

Afghanistan waxaa ka xayiran dhaqaalihii dibadda ka yaallay maadaama awoodda ay la wareegtay Taliban oo jabhadeyn ku heysay Mareykanka & xulufadiisa oo 20-sano joogay waddaan dhaca Koofurta Aasiya.

Qaramada Midoobay waxa ay Afghanistan kala baxday Howlwadeenadii ka joogay iyada oo geysay dalalka deriska la ah si ay u qiimeyso isbedelka cusub uu galay waddankaas oo haddii ay la jaanqaadi karto dib ugu celin karta shaqaalaheeda.

Khubarada sida dhaw ula socda xaaladda Afghanistan waxa ay sheegayaan in G20 ay u badan tahay in dhaqaalaha ay ugu deeqayaan Afghan loo bedelo gargaar bani aadamnimo oo la gaarsiinayo dadka si looga baaqsado lacag caddaan ah oo toos loogu shubo koontooyin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here