Waddo isku xirta Gobalada Mudug iyo Galgaduud oo Maalmahan ay ka taagnayd Xiisad Colaadeed oo Maalintii Labaad Xiran

Wadadan oo isku xirta deegaanada dhaca Koofurta Gobalka Mudug iyo Bariga Gobalka Galgaduud ayaa xiran maalintii labaad.Kadib markii todobaadkan ay kasoo cusboonaatay Xiisad salka ku haysa Barkado baco ka samaysan oo si macmal ah ay halkaas uga samaysteen Dad Reer miyi ah oo kasoo kala jeeda Gaalkacyo iyo Cadaado.waxaana todobaadkan fashilmay iskuday lagu doonayay in xiisadaas lagu soo afjaro.

Wadadaan oo ah mid muhiim u ah isku socodka dadka iyo duunyada Gobalada Mudug iyo Galgaduud ayaa ku taala Duleedka Deegaanada Baxdo gaabo wanakiir iyo Ducoley deegaanada Laasabuur, waxaana Maleeshiyaadka xirtay ay ku doodeen in sababta ay u xirteen ay tahay kadib markii xal laga waayay Dad kasoo jeeda Deegaanada Cadaado oo ay sheegeen in ay kusoo xadgudbeen dhul ay iyagu leeyihiin waa sida ay hadalka u dhigeen.

Arrintaan ayaa sababtay in deegaanadaas ay markale kasoo cusboonaato xiisadii horay uga taagnayd,ilaa iyo hada majirto iskuday arintaas wax looga qabanayo oo ay socda. inkasto Masulin ka Tirsan Galmudug Malmihii igu danbeyey Halkaa ay ka waddeen Hadalo Lagu soo afjarayo Xiisada halkaa ka taagan,

Maanta waxaa sidokale halkaa Booqan doona Wafdi ka Socoda Maamulka Galmudug Si ay ugu koorgallaan Xaalada Deganadaas,

Wixii kusoo kordha waan idinla soo socod siin doonnaa.

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here