Waxaa Saakay xiran inta badan Wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Ciidanka Ammaanka ayaa diiday in Wadooyinka ay maraan wax gaadiid ah.

Meelo ka mid ah degmooyinka Muqdisho Saakay waxaa ka taagan xanibnaan iyadoo ay tahay maalin Sabti ah oo inta badan Shacabka ay leeyihiin Shaqooyin.

Ciidamada Amaanka oo wata Gaadiid Dagaal ayaa jooga Wadooyinka Caasimadda.

Lama oga ujeedka loo xiray Wadooyinka Magaalada ,iyadoo Saakay lagu waa bariistay Xirnaanshaha Wadooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here