Wadooyinka Muqdiaho oo Maanta Xiran iyo Lugta oo shacabka ay Malayaan

0

Waxaa saakay xiran qaar kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, waxaana wadooyinkaasi lasoo dhigay gaadiidka dagaalka iyo ciidamo u badan kuwa koofiyo casta oo gaadiidka u diidaya in wadooyinkaasi maraan.

Dad badan oo isugu jiray arday, bukaano iyo dad kale oo shaqo tag ahaa ayaa mar qura kusoo toosay wadooyinka magaalada oo xiran, waxaana dadkan dantu ku qasabtay in ay lugeeyaan masaafooyin dheer si ay u tagaan halka ay ku jeedeen.

Wadooyinka xiran ayaa waxaa kamid ah laamiga Maka Al Mukarama oo ah laamiga ugu mashquulka badan caasimada, waxaana laamigaasi lasoo dhigay ciidamo badan oo gaadiidka dagaalka wadooyinka ku jaray.

Lama oga wali sababta rasmiga ah ee saakay loo xiray wadooyinkan, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in sababta loo xiray wadooyinka qaar tahay in Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya uu booqanayo qaar kamid ah xarumaha wasaaradaha .

Dowlada ayaa inta badan dadka ku wargalin wadooyinka la xirayo, waxaana dad badan kusoo toosaan xiliyada qaar wadooyinka oo xiran iyagoona ku adkaato in ay tagaan goobaha shaqada, waxbarashada iyo caafimaadka.

 

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here