ska ilow ciriiriga ka jira waddada Wadnaha iyo Isgoysyada Bakaaraha iyo Howl-wadaag. Taas waa farriinta kaliya oo lagaaga keeni karo Jidka Jaalle Siyaad.

Sababta oo ah ciriiri dhaafay ciriiri wuxuu hadda saacad walba ka dhex jiri karaa jidka dheer ee Kulliyadda Jaalle Siyaad iyo Warshadda Caanaha u dhaxeeya.

Haddii aad rabtid inaad si dhab ah u fahamto heerka uu gaarsiisan yahay ciriiriga ka taagan waddooyinka caasimadda, halkan waa meesha kaliya oo kuu iftiimin karta.

Celceliska isu-geynta inta jeer ee waddooyinka halbowlaha u ah isku socodka caasimadda ay jaam noqdaan, wali kuma filna in lala barbardhigo ciriiriga halkan oo qura ka jira.

Balse maxaa u wacan ciriiriga halkan ka taagan?!

Waddadan waxay dhacdaa bartmaha laba xero oo ay degan yihiin Xoogga Dalka Somaaliyeed. Shacab iyo ciidanba waxay u tahay marin muhiim ah. Laga bilaabo Kulliyadda Jaalle Siyaad ilaa isbitaalka Xoogga oo  laamigani saaran yahay, waxaa huriweyto usoo aadaa baabuur badan kuwaas oo waayay doorasho aan iyada ahayn.

Dhowr sanno kahor waddadan malahayn muhiimad maritaan oo aad u weyn balse waxay weligeedba ahayd dariiqa ugu fudud ee looga soo dhaco magaalada inteeda kale. Taniyo markii la xiray jidka ka dega aagga Wasaaradda Gaashaan-dhigga  ee gees mara Warshadda Caanaha, Laamiga ayaa noqday dariiqa qura oo ay ku kulmaan nuuc walba oo gaadiidka kamid ah.

Dhismaha jidka dheer ee Afgooye oo gebi ahaanba la xiray waxay sidoo kale keentay in baabuurtii mari jirtay aagga ex Control ay halkan kusoo yaacaan.

Hayeeshe, ma ahan oo kaliya xiritaanka iyo hakadka ku yimid jidadka soo gala laamigan, sababta ugu weyn ee keentay ciriiriga daran ee ka taagan. Taniyo markii laamiga dib loo dhisay, kaliya ma uusan u noqon jidmar dadweynaha intiisa kale, balse waxaa kala-wareeg laga hubiyo gaadiidka soo gala caasimadda iyo bar contorool laga ilaaliyo Wasaaradda Gaashaandhigga ka dhigtay ciidamada ku jira laba xero Jaalle Siyaad iyo Damaanyo.

Tani waxay sababtay in safka loogu jiro hubinta baabuurta qaar ay dhaliyaan ciriiriga. Waxaa kale oo jira carra-tuur u muuqda dhufeys oo ciidamadu ka qodeen docda laamiga kaas oo dadka lugmaalka ah ku qasbaya inay dhex socdaan mararka qaar laamiga.

Balse tan ugu daran ayaa ah dhagaxyada lagu teeday dhinaca Kulliyadda Jaalle Siyaad kaga aadan laamiga oo keentay in baabuurta labada dhinac isku feer-dhaafaysa ay adeegsadaan halkii dhinac ee looga banneeyey laamiga.

Xaqiiqdii, tani waa ku ceeb iyo mas’uuliyad darro dowladda dhexe iyo maamulka gobalka oo si cad iskaga indha-tiraya dhibaatada joogtada ah ee jidkan dheer ka taagan.

Su’aasha isweydiinta mudani waxay tahay: Baaxadda ay ku fadhiyaan xeryahan kusoo jeeda laamigan miyaan wali looga maarmi karin in labada dhinac ee jidka loo banneeyo dadweynaha iyo gaadiidkooda si loo helo safar raaxa leh?!

Maxaa keenaya in dhufeys iyo dhagxaan la dhinac dhigto waddo laami ah iyada oo maanka lagu hayo inaysan ciidan oo qura ahaaneyn kuwa adeegsanaya balse ay yihiin dadweynaha oo dhan?!

Jawaabaha su’aalahaas waxay u baahan yihiin fal-celin degdeg ah oo aan ku ekeyn hadal oo qura.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here