Sabtidii iyo Axadii la soo shaafay waxaa Muqdisho yimid Wafdi Masaari ah oo horu dhacc u ah iMadaxweynaha Masar oo lagu wado inuu maalmaha soo socda soo gaaro Muqdisho.

Sarkaal ka tirsan Wasaarada arimaha dibada Somalia oo magaciisa qariyay ayaa arintaan u xaqiiiiyay idaacada BBC-da.

Advertisement

Sarkaalkaan wuxuu sheegay inay wafdiga horu dhaca u ah Madaxweynaha Masar ay sabtidii iyo axadiba u yimaadeen Muqdisho qiimeyn inay Madaxtooyada Somalia isla meel dhigeen safarma Madaxweynaha Masar.

Sarkaalkaan ka tirsan Dowlada Somalia wuu  BBC-da u sheegay inuusan sheegi karin maalinta uu Madaxweyne Alsiisii uu  ku soo abaaran yahay Muqsisho balse kaliya ay sheegi karaan qoloda Madaxtooyada.

Hadii uu yimaado Madaxweynaha Masar waxay noqoneysaa mudo 50 sano ah markii ugu horeysay oo dhulka Soomaaliyeed uu soo gaaro Madaxweyne Masaari ah.

Si kastaba labada Madaxweyne oo kaliya waxa ugu badan ay ma hadli doonaan ay tahay sidii ay ka yeeli lahaayeen daan-daansiga Itoobiya ee dhul boobka Soomaliya marki ah Maamul Goboleed dhawaan ka saxiixdeen heshiis dhul badeed ay ugu badalayaan aqoonsi.

Kulankii bishii Janaayo Madaxweynaha Somaliga uu Qaahira kula soo yeeshay Dhigiisa Masar ayaa hore loo shaaciyay inay isla meel dhigeen iskaashi amni oo labada dal ay yeeshaan xili Madaxweynaha Masar uu si cad u sheegay inay Somalia ka difaaci doonaan Itoobiya hadii ay ku soo xad-gudubto taako ka mida dhulka Somalia.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

 

Previous articleWafdiga Dowlada Somalia ka socda maxay Adis-ababa ka dooneen?
Next articleMaxaa ka soo baxay kulanka labada Taliye Milatari Somalia iyo Talyaani+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here