Wafdi uu hogaaminayo Dr Sureh Kumar, Xoghayaha Guud (Galbeedka Aasiya,Waqooyiga iyo Bariga Africa ) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Hindiya ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wafdigaan ayaa waxaa garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde, ku soo dhaweeyay Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Xamse Aadan Xaadow ,Safiirka Soomaaliya ee dalka Hindiya, Mudane Axmed Cali Daahir, Agaasimaha Waxdda Xiriirka Caalamiga ah ee Wasaaradda Mudane Jibriil Afyare, Agaasinka Waxda Aasiya iyo Australia iyo Agaasinka Habmaamuuska, ujeedada socdaalka wafdigaan ayaa salka ku haysa qiimeynta sida ugu sahlan ee ay uga furan karaan Safaaradda dalka Hindiya ee Soomaaliya.

Wafdiga ayaa inta ay joogaan magaalada Muqdisho waxay y kulamo kala duwan la qaadan doonaan masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.
May be an image of 9 people and textMay be an image of 2 peopleMay be an image of 2 people, newsroom, the Oval Office and text
Previous articleWafdiga Dalka Britain muxuu kala hadlay Ra’iisulwasaare Xamze
Next articleAlshabaab lagu qabtay howlgal oo la soo bandhigay 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here