Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Mudane Salax Axmed Jaamac ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey dhiggiisa dalka Ethiopia, Mudane Dekeme Mekonnen Hassan iyo wafdi oo uu hoggaaminayo.
Wafdiga ka socda dalka Itoobiya ayaa u yimid caasimadda Muqdisho sidii ay wada hadallo ku dhisan danaha labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashi dhinacyada kala duwan ee u dhaxeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Itoobiya.
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa xusay muhiimadda iskaashiga labada dal ee dhinacyada ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada, amniga iyo la dagaallanka kooxaha Khawaarijta.
XIGASHO: WARBAAHINTA XUKUUMADA
Previous articleShan Caruur Soomaaliyeed ah iyo ayeeyadood iyo oo ku geeriyooday duqeyn diyaaradeed.
Next articleGolaha Wasiirada oo maanta ka hadlay xaalada amni ee Dalka+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here