HomeWarkiiWafdi ka socda Dowlada Jarmalka oo Muqdisho soo gaaray iyo Mustafa Dhuxulow...

Wafdi ka socda Dowlada Jarmalka oo Muqdisho soo gaaray iyo Mustafa Dhuxulow oo qaabilay+SAWIRRO

May be an image of one or more people, newsroom and text
Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka oo uu hoggaaminayo Madaxa Xiriirka Dowladaha ee Fedaalka Booliiska Mudane Colonel Niels Zimmermann ayaa booqasho shaqo ku yimid dalka, halkaas oo ay kulan kula yeesheen Madaxda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) uu ugu horreeyo Agaasimaha Guud Mudane Mustafa Dhuxulow.
Booqashadan oo ka qabsoontay magaalada Muqdisho intii u dhaxaysay 21–22 Janaayo 2026, ayaa ujeeddadeedu ahayd xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah, is-dhaafsiga khibradaha, iyo horumarinta wada-shaqeynta dhinacyada maareynta socdaalka, sugidda amniga xuduudaha, horumarinta baasaboorka Soomaaliga iyo la dagaallanka socdaalka sharci-darrada ah.
IInta lagu gudajiray booqashada shaqo, wafdiga Jarmalka ayaa booqday Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde, halkaas oo ay si dhow uga indha-indheeyeen maareynta rakaabka imanaya iyo kuwa baxaya, khadadka koontaroolka 1aad iyo 2aad, hawlaha Qaybta Baarista Dukumentiyada iyo Fraud Detection Unit, iyo nidaamka guud ee maareynta xuduudaha, iyagoo si gaar ah u eegay dowrka HSJ ee sugidda amniga qaranka.
Agaasimaha Guud ee HSJ, Mudane Mustaf Dhuxulow ayaa wafdiga si rasmi ah u soo dhaweeyay, isaga oo si gaar ah uga mahadceliyay Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka aqoonsiga Baasaboorka Diblumaasiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo muujinaysa kalsooni iyo xiriir diblumaasiyadeed oo adag. Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale adkeeyay sida ay hay’addu uga go’an tahay xoojinta wada-shaqeynta iyo iskaashiga caalamiga ah, isla markaana xoogga saartay is-dhaafsiga khibradaha, si loo dhiso hay’ad awood leh oo la jaanqaadaysa hay’adaha caalamiga ah.
Kulamada labada dhinac ayaa lagu gorfeeyay waajibaadka iyo qaab-dhismeedka HSJ, mudnaanta istiraatiijiyadeed ee hay’adda, iyo dadaallada la xiriira ka hortagga tahriibka dadka, dambiyada abaabulan, iyo socdaalka sharci-darrada ah ee dhulka, cirka, iyo badda. Sidoo kale, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay fursadaha iskaashi ee mustaqbalka, taageerada farsamo, is-dhaafsiga macluumaadka, iyo xoojinta awoodda shaqaalaha hay’adda.May be an image of one or more people, suit and text that says "DEO DECALÉ ALÉ AIRPOR IRPORTHOTE R HOTe"May be an image of suitMay be an image of textMay be an image of text that says "MSN Face Facetoface to face"May be an image of aircraft and suitMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people, newsroom and textMay be an image of textMay be an image of one or more people and text that says "MiMohamed Mohamed MolamedAbdulwahah Abdulwahab"May be an image of ‎newsroom and ‎text that says "‎IMIGRATION RATION AND SITIZENSHIPAC CITIZENSHIP JINSIYADDA إدارةالبهجد ادارة الهد AGENCY JONTRI‎"‎‎May be an image of studying and textMay be an image of one or more people, dais and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -