HomeWarkiiWafdi ka socda Dowlada Turkey oo maanta Boosaaso u tagaya arinta markabka...

Wafdi ka socda Dowlada Turkey oo maanta Boosaaso u tagaya arinta markabka hubka sida

Wafdi ka socday Dowlada Turkey ayaa la sheegay inay maanta ku wajahan yihiin Magaalada Boosaaso halkaasoo ay kula kulmi doonaan Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni.
Wararka ayaa tilmaamaya in Wafdigaani ay si gaar ah uga socdaaan
Safaarada Turkiga ee Somalia kuwaasoo fadhigoodu yahay Muqdisho waxaana ay kala hadli doonaan Madaxweynaha Puntland arinta Markabka hubka sida ee dhawaan Puntland ku qabatay xeebaha maamulkaasi.
Wafdigaan oo la balansan Saciid Deni ayaa lagu wadaa inay maanta gaaraan Magaalada Boosaaso inkastoo faah-faahinta natiijada la heli doono marka uu kulankaani soo dhamaado hadii rabi idmo.
War dhawaan ka soo baxay Maamulka Puntland ayaa ugu baaqay Dowladaha Somalia iyo Turkey inay ka qeybqaataan baaritaanka ay Puntland ku heyso markabkaasi taasoo loo maleynayo inay sahashay safarka maanta Turkigu ku tagayo Magaalada Boosaaso.
Ujeedka Wafdiga Masuuliyiinta Turkiga oo ah sidii ay ugu soo guuleysan lahaayeen in markabkaasi ayaan hadana la ogeyn sida Puntland uga jawaabi doonto codsiga turkiga, wixii war ku soo kordha wararkeena danbe ayaad kaga bogan doontaan hadiii uu qabsoomo kulankaani u dhexeeya Safaarada Turkey iyo Madaxweynaha maamulka Puntland saciid Deni.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -