MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa mar kale Magaalada Muqdisho soo gaaray Wafdi ka socda Dowlada Imaaraadka Carabta xili maalmo ka hor uu yimiod Muqdisho Wafdi kale oo uu hogaaminayay Wasiiru-Dowlaha arimaha diabada Dalka Imaaraadka.
Wafdigaan ayaa gaaray Madaxtooyada Somalia halkaasoo ay kula kulmi doonaan Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh xili mad-madow siyaasadeed uu soo kala dhex galay labada dal.
Dowlada Imaraadka Carabta oo aad uga carootay safarkii uu Muqdisho ku yimid maalmo ka hor Taliyaha sordoonka Dalka Sudan ayaa waxay ka walwalsan yihiin in Dowlada Somalia shirka Qaramada Mdoobe la safato Sudan madaama Somalia kursi aan joogta ahayn ay ku leeyihiin Qaramada Midoobe.
Dowlada Imaaradka waxay isku dayayaan inay kalsoonida Dowlada Somalia soo jiitaan walow Madaxweyne Xassana uu aad ugu dhibsaday Imaaraadka faragelinta joogtada ah ee ay arimaha Somalia ku hayaan iyagoo waliba aad wax ugu dhimay madax banaanida Somalia markii ay heshiisyo la galeen maamul Goboleedyada qaarkood sida Puntland iyo Jubaland.
Wafdiga Imaaraadka Carabta waxa lagu wadaa inay Madaxweyaha Somalia ku qanciyaan dhaqaale ama inay wax ka badalaan siyaasadahooda ay kula dhaqmaan Soomaaliya.
Dhanka kale Madaxweyne Xassan ayaa lagu wadaa inuu gaaro Magaalada Dubai halkaasoo uu kula kulmi doono Amiirka u sareeya dalkaasi ka hor shirka Qaramada Midoobe intaan la aadin waxana lagu wadaa inay isla arimahaan ka hadli doonaan.
Si kastaba wixii shirkaan ka soo baxa wararkeena danbe ayaad kaga bogan doontaan insha Allaah.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
