Wafdi ka socda Madasha Xisbiyadda Qaran oo Garowe ku wajahan

 

Wafdi ka socda Madasha Xisbiyadda Qaran oo Garowe ku wajahan

Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland waxaa ku wajahan Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Gaas ayaa ka mid ah xubnihii Madasha Xisbiyada Qaran ee dhawaan kulanka ku yeeshay Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Gaas ayaa ka maqnaa degaanada maamulka Puntland 13 bilood ee lasoo dhaafay, waxaana uu hadda qeyb ka noqon doonaa abaabulka ay bilaabeen madasha Xisbiyadda Qaran ee uu qeybta ka yahay.

Madasha Xisbiyada Qaran ee Soomaaliya ayaa sheegay inay isku raaceen inay ku midoobaan hal xisbi siyaasadeed iyo hal Musharax

Go’aankan ayaa waxaa lagu shaaciyey qoraal ay Madasha kasoo saareen shir socday shan maalmood oo xubnaha ay ku yeesheen magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064