Wafdi uu hogaaminayo wasiirka Boostadda iyo isgaarsiinta Soomaaliya oo gaaray Baydhabo

 

Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa maanta gaaray wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiirka wasaaradda boostada, isgaarsiinta iyo tiknoolajiyada DFS Eng, Cabdi Canshuur Xasan.

Wafdiga ka socday Dowladda Faderaalka Soomaaliya waxaa Baydhabo kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan golaha wasiirada KGS oo uu ugu horeeyo Wasiirka Boostada, isgaarsiinta iyo tiknoolajiyada Koonfur Galbeed Maxamed Nuur Sheekh Cadde iyo xubno kale Maamulka Gobolka Baay.

Wasiirka Boostada iyo Isgaarisinta Xukumadda Faderaalka Soomaaliya ayaa Baydhabo u tagay furitaan shir looga hadlayo arrimaha isgaarsiinta oo barri halkaasi ugu furmi doona Wasaarada Boostadda Soomaaliya iyo Masuuliyiin ka socda Dowlad Goboleedyadda dalka.

Wasiirka Boostada, isgaarsiinta iyo tiknoolajiyada Koonfur Galbeed Maxamed Nuur Sheekh Cadde ayaa sheegay in ay Baydhabo kusoo dhaweynayaan wafdiga,isla markaana shirkaasi ay burrito ka qeyb geli doonaan.

Shirkaan la qorsheynaayo in maalinta berito uu ka furmo magaalada Baydhabo wuxuu daba socdaa shir sanadkii hore ka dhacay magaalada muqdisho oo looga hadlayey arimaha isgaarsiinta dalka kaasi oo ay ka qeyb galeen dhamaan Wasiirada Wasaaradaha Isgaarsiinta ee Maamul goboleedyada.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064