Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Axmed Macallin Fiqi oo maalmahaan howlo shaqo ujoogay deegaanada Galmudug ayaa isaga iyo wafdi uu hoggaaminayay waxaa ay  gaareen degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Wasiirka Arrimaha gudaha oo ay wehliyaan mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka federaalka iyo dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa socdaalkiisa waxa uu la xiriiraa dardargelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dhiirigelinta ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.

Advertisement

Warka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha gudaha kaas oo daarnaa socdaalka Wasiirka ayaa lagu yiri, “Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee JFS ayaa u diyaargarowday sidii barnaamijiyo Xasillin, Dhab u heshiisiin iyo qaar kale oo degdeg ah looga fulin lahaa  deegaannada dhowaan la xoreeyay iyo kuwa la xoreynayo.”

Bilowgii sanadkaan ayaa Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa xoogagga kacdoonka dadweynaha ayaa dagaalamayaasha Al-Shabaab kala wareegay degmada Xarardheere ee koonfurta Gobolka Mudug ee Dowlad Gobaleedka Galmudug.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo la hadlay xilligaas warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa u xaqiijiyay qabsashada Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

War kooban oo ka soo baxay Dowladda ayaa lagu sheegay in Ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga degaanka ayaa gudaha u galeen Degmada Xarardheere, ka gadaal markii ay isaga carareen dagaalamayaasha Al-Shabaab oo muddo ka talinayay.

Magaalada Xarardheere ayaa ah Magaalo qadiimi ah kaas oo fariismo u ahayd Al-Shabaab, qabashaday Magaaladaan ayaa Ciidama dowladda u suura galisay in ay la wareegaan deegaano dhawr ah oo ka tirsan Gobollada Galgaduud iyo Mudug oo hoostaga Dowlad Gobaleedka Galmudug.

Previous articleGuddoomiyeyaasha Wadajir, Warta Nabadda, Cabdicasiis & Kaxda oo Shacabka Degmooyinkooda ugu baaqay in ay taageerayaan howlgallada ka dhanka ah ‘AS’.
Next articleMadaxweyne Xasan Sheikh oo heysato laba daran mid dooro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here