ADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-Wafdi ka socda Xukuumada Somalia ayaa maanta gaaray Magaalada Adis-ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya xili labada Dal uu khilaaf xooggan ka dhex taagan yahay.

Wafdigaan oo adis Ababa u tagay ka qeybgalka shir madaxeedka 44-aad ee waddamada midowga Afrika ayaa waxaa hogaaminaya Wasiiru Dowlaha arimaha dibada Somalia ahna ku simaha Wasiirka arimaha dibada Somalia Xildhibaan. Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad).

Advertisement

Shirkaan oo uu diiday inuu ka qeybgalo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Khilaafka jira owgiis ayaa looga hadli doonaa caqabadaha xiligaan ka jira Afrika.

Inta badan Madaxda sar sare ee Midowga Afrika ayaa ka qeybgalaya shirka oo socon doona abracada bari ah iyo khamista.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleWarsaxaafadeed ka soo baxay Hay’ada Duulista Rayidka
Next articleMadaxweyne Al-siisii oo Muqdisho ku soo wajahan iyo wafdi horu dhac u ah oo laba jeer yimid Xamar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here