ISLAMABAD (DAYNIILE.COM)-Sida uu Warbaahinta Dunida u cadeeyay Safiirka Iiraan u fadhiya Pakistan, Reza Amiri-Moghaddam, Wafdi ka socda Dalka Iiraan oo qaabilsan wada hadalada heshiiska xabad joojinta ayaa maanta oo khamiis ah waxay ku wajahan yihiin Caasimada Daka Pakistan ee Islamabad gaar ahaan caawa fiidkii ayuu qorshuhu yahay inay gaaraan.
Wafdiga Iiran waxaa lagu wadaa inay wadahadallo kula yeeshaan Islamabad wafd kale oo Mareykanka ka socda si loo sii anba qaado heshiiska xabad joojinta ee mudada labada asbuuc ah xili Dowlada Pakistana ay dhex dhexaadiyaal ka yihiin.
Kulankan loo balansan yahay ayaa ku soo aaday xili Israa’iil jabisay heshiiska xabad joojinta markii ay duqeeyeen oo shacab 2 boqol ka badan ku laayeen dalka Lubnaan madaama heshiiska xabad joojinta ay Iiran ku dartay Lubnan iyo xitaa kooxaha ay taageerto oo dhan sida Xuutiyiinta oo Yemen ka jira.
Cabsi iyo qalqal ayaa soo wajahay heshiiska xabad joojinta kadib duqeymaha Lubnana loo geystay markii masuuliyiinta Iiran sheegeen inay ka jawaabi doonaan weerarka lagu qaaday Lubnaan,sidoo kale Trmp ayaa isaga laftigiisa xiisad dhinac ka soo galay oo sheegay inuu talaabo ka qaadi doono Iiraan hadii ay ka baxdo heshiiska la gaaray.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
