Qaar ka mid ah wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku sugan dalka Imaaraadka ayaa la soo warrinayaa in laga helay Corona Virus taasi oo maalmo dheeraad ah ku dartay safarka oo qorshihiisa hore ahaa laba maalmood.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qarisay inay sheegto sababta waqtiga dheeraadka loogu kordhiyey safarka Madaxweynaha. Maamulkii hore ee Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu yaqaanay dhaqanka qarinta waxyaabaha dabiiciga ah.

Inkastoo Madaxweyne Xasan Sheekh uusan ku dhicin Coronavirus, haddana Madaxda Adduunka ma qariyaan marka uu asiibo cudurkan, waana wax caadi ka ah Adduunka oo aanay ceeb aheyn qofka uu ku dhaco Corona Madaxda iyo wafdigooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here