BALAD-XAAWO (DAYNIILE.COM)-Magaalada Balad-xaawo ee Gobolka Geddo waxaa ku sii qulqulaya wufuud ka socota Maamulka Jubaland xili ay jierto xiisad colaadeed ama dagaal laga cabsi qabo inuu halkaasi ku dhexmarao iyaga Dowlada Soomaaliya.
Gudoomiyaha degmada Doolow ee gobolka Gedo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lmaanta gaaray islamarkaana lagu soo dhaweeyay degmada Baledxaawo ee gobolka Gedo.
Magaalada Balad-xaawo waxaa hore u gaaray oo iminka ku sugan Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Jubaland, Wasiirka Amniga, Wasiirka Shaqada iyo masuuliyiin kale oo intaasi ka badan.
Magaalada Inta badan waxaa maamulaya Dowlada Somaliya oo ciidamo iyo saraakiilba ay ka joogaan,sidoo kale qeybo ka mida magaalada iyagana hada ku sii badanaya masuuliyiinta ree Jubaland waxaana aad looga cabsanayaa in labada dhinac isku qabtaan gacan ku heynta Magaalada oo ay hada isla joogaan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM












