HomeWarkiiWajiga 2-aad ee wada-hadallada doorashooyinka Mucaaradka iyo Dowlada oo maanta ka furmay...

Wajiga 2-aad ee wada-hadallada doorashooyinka Mucaaradka iyo Dowlada oo maanta ka furmay Muqdisho

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Magaalada Muqdisho waxaa ka furmaya Wajiga 2-aad ee wada-hadallada doorashooyinka xili maanta ay si gaar ah isu wajahayaan Guddiga Farsamada ee matalaya Xisbiga Nabad iyo Nolol ee Madaxweynihii hore Farmaajo iyo Gudiga dhanka ka socda dhanka Dowlada Faderaalka Somalia.

Kulanka maanta oo ay dhex dhexadiyayaal ka yihiin Turida iyo Beesha Caalamka ayaa lagu wadaa ama la rajeynayaa in si weyn la isugu fahmo lagana soo saaro natiijo lala wadaagi karo warbaahinta.

Gudiga dhanka Nabad iyo Nolol ayaa laga soo xigtay inay shirka socda ku soo bandhigi doono aragtidooda ku saabsan nooca doorasho ee Soomaaliya ka qabsoomi karta iyo shuruudaha lagama maarmaanka u ah hirgelinteeda.

Kooxda Nabad iyo Nolol waxay sidoo kale xuseen in wada-hadalladu ku saleysan yihiin aragtida madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ku aaddan in wadajir iyo is-afgarad looga gudbo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA

DAYNIILE.COM

May be an image of one or more people, dais and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -