Advertisement

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan oo aay wehliyaan saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, Taliyaha qeybta 27-aad Gen.Tawane Ahmed Gureey iyo Taliyaha guutada 5-aad Col Bakaay iyo Taliyaha ururka 8-aad comaandooska Kor-kor ee ciidanka xooga dalka soomaaliyeed iyo hoggaanada ciidamada Dib u xoreeynta Deegaanada Gobalka Hiiraan oo qeyb weyn ka Qaadanayo wajiga 2-aad ee dib u xureeynta degaannada Gobolka Hiiraan.

Advertisement

Howlagallo xiriir ah ayaa Al-Shabaab looga qabsaday deegaano dhaco koonfurta Degmadda Beledweyne oo ay kaga gudbayeen wabiyada, ayagoo Deegaanada laga xureeyey ay ka sameeynayeen Weeraro ku dhufasho ah ku dhawaad Ilaa 10 doomood ayey ciidamada qalabka sida iyo Dadka deegaanka burburiyeen, kuwaas oo Al-Shabaab ay ku isticmaalayeen wabiyadda,

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane Cali Jeeyte Cismaan ayaa xusay in howlgalkan dib u hubinta Amniga loo gudbi doono Deegaanada galbeedka oo ah meesha ugu dambeeyso oo ay Al-Shabaab isku dayayaan inay isku dhajiyeen ,asigoo xusay In tilaabooyinka military ee la qaadi doono ay yahiin kuwo lagu soo celin doono guud ahaan Amniga Gobalka Hiiraan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here