HomeWarkiiWakhtiga uu bilaabanayo tartanka Kubadda Cagta Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo...

Wakhtiga uu bilaabanayo tartanka Kubadda Cagta Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo la shaaciyay

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Cali Cabdi Maxamed ayaa shaaciyay waqtiga uu bilaabanayo tartanka Kubada cagta Dowlad Goboleedyada Soomaaliya iyo Gobolka Banaadir.

Gudoomiye Cali Shiine bilowga sanadka cusub ee 2026 gaar ahaan 24-ka Janaayo , sidoo kale wuxuu sheegay in qori-tuurka uu dhici doono 22 bishaan 2025.

Gudoomiyaha wuxuu sheegay in Kubada cagtu tahay is dhexgal bulsho islamarkaana aysan wax shaqo ah ku lahayn dhanka siyaasada,isagoo tusaale u soo qaatay tartankii kubada cagta Afrika gaar ahaan dhalinta 17 jirada oo ay Somalia ka qeybgashay.

“waad aragteen sidii ciyaartoydeena Soomaaliyeed uga kala yimaadeen Gobolada dalka iyo markii ay Itoobiya ka soo laabteen sidii loogu soo dhaweeyay deegaanada ay ka kala yimaadeen sida Gaalkacyo,Jig-jiga ,kismaayo iyo Nairobi” ayuu yiri Gudoomiye Cali Shiine

Si kastaba tartaan Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa ah kan ugu xiisaga badan waxaanaka usoo daawasha taga taageerayaasha ugu badan kubada cagta Soomaaliya iyadoo mararka qaar la arko dhalinyarada qaar inay gobol gobol iyo qabiil ka dhigaan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA

DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -