MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wakiilada caalamiga ah ee Soomaaliya, gaar ahaana kooxda loo yaqaano (C6+) ayaa la sheegay inay isku balansadeen kulan degdeg ah oo ay ka yeelanayaan go’aanka Dowlada Somalia ay ugu baaqday kooxdaan inay faraha kala baxaan arimaha Somalia.
Kooxdaan oo aan la ogeyn inay aalada zuum-ka ku kulmi doonaan iyo inay toos u kulmi doonaan ayaa lagu wadaa inay jawaab ka bixin doonaan dalabka Dowlada Somalia oo ah inay faragelinta ka daayaan arimaha Somalia islamarkaana ay ogaadaan Somalia inay ka jirto Dowlad arimaheeda gudaha ku filan.
Isku dhacaan wuxuu keenay inuu dagaal qabow ka dhex qarxo Dowlada Somalia iyo wakiilada Caalamka sida kooxda C6+ oo kala ah Mareykanka ,UK,QM,EU, AU iyo Igad.
.Si kastaba Dowlada oo garab ka heli jirtay wakiilada Beesha Caalamka ayaa la hadal hayaa inay xiriir adag la sameysatay Dalka Turkiga lamana yaqaan talaabada C6+ay qaadi doonaan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
