HomeWarkiiWakiilka bariga dhexe u qaabilsan Mareykanka oo gaaray Caasimada Ruushka

Wakiilka bariga dhexe u qaabilsan Mareykanka oo gaaray Caasimada Ruushka

MOSCOW (DAYNIILE.COM)-Wafdi uu hogaaminayo Ergayga gaarka ah ee wada-xaajoodyada iyo arrimaha bariga dhexe ee Mareykanka , Steve Witkoff  ayaa maanta gaaray Magaalada Moscow ee xarunta Dalk Ruushka xili dhawaan Mareykanku ku hanjabay inay cunaqabateyn dheerad ah saari doonan Ruushka hadii ay diidaan inay joojiyaan dagaalka Ukraine.
Steve Witkoff waxaa la sheegay inuu Ruushka u tagay sidii uu wada0-xaajood ula yeelan lahaa madaxda Moscow si uu isugu dayo inay wax ka badalaan mowqifkooda dagaalka Ukraine si looga hor tago inuu meel gaaro khilaafka Mareykanka iyo ruushka.
Madaxweynaha Ruushka ayaan marna dhageysan oo aan aqbalin hanjabaada Trump ee ah inuu canshuur dheeraad ah saari doono badeecadaha ruushka ka yimaada hadii aysan joojin dagaalk Ukarine.
Safarka uu saaka ku tagay Moscow Ergayga gaarka ah ee wada-xaajoodyada iyo arrimaha bariga dhexe ee Mareykanka , Steve Witkoff ayaa ku soo aadaya xili kaliya labo maalin ay ka dhimantahay waqtiga kama dambeysta ee Trump u qabtay Ruushka oo ku eg Jimcaha , si loo gaaro heshiis lagu joojinayo dagaalka Ukraine.
lama oga inta la egtahay rajada ah in Steve Witkoff uu Mocow ka dhaadhicin karo inay tanaasul ka muujiyaan dagaalka Ukaraine si loo baajiyo xiisadda labada dhinac ee sii xumaanaysa.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
U.S. envoy Steve Witkoff will travel to Israel to address humanitarian crisis in Gaza
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -