Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa cambaareeyay weeraradii shalay lagu qaaday fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin magaalooyinka Bariire iyo Awdhegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Kooxda Al-shabaab oo dagaal kula jirta ciidamada DF iyo kuwa AMISOM ee taageeraya ayaa fulisay weeraradan oo geystay khasaare baaxad leh ayaana ka dhashay

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weeraradan lagu bartilmaameedsaday ciidamada Soomaaliya. Tani waa mid si cad inoo xusuusinaysa naf-hurnimada maalin kasta ay sameeyaan askarta Soomaaliyeed ee sida geesiminada leh u dagaallama si ay u badbaadiyaan Soomaaliya iyo dadkeedaba,” ayuu yiri Md. Swan. “Waxaan ka tacsiyeynaynaa dadkii ku dhintay, waxaana caafimaad deg deg ah u rajeynaynaa dadkii ku dhaawacmay.”

Ad by Valueimpression
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarada, waxaana lagu soo waramayaa in qasaaro lixaad leh uu ka soo gaaray talaabada adag ee ay qaadeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyee

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here