Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaliya oo kulan la yeeshay Taliyaha Nabad Sugida Soomaliya

0

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay oo caawa soo baxay Ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya danjire James Swan ayaa kulan gaar ah la qaatay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ah Agaasimaha heyadda Nabad sugida & Sirdoonka Qaranka NISA.

Kulankan ayaa looga hadlay xaalada guud ee dalka gaar ahaan dhinacyada Siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, iyadoo si gaar ah diirada loogu saaray arrimaha doorashooyinka dalka, xili muddo kooban ay ka hartay mudadii afarta sano aheyd ee xilka loo doortay madaxda talada heysa.

Inkastoo uusan jirin War-saxaafada loogu talo galay oo ka soo baxay kulankan xasaasiga ahaa haddana warar ku dhow dhow ayaa sheegaya in James Swan uu u gudbiyey Fahad Yaasiin fariin ku socota Madaxweynaha oo la xiriirta sidii deg deg ah loogu wajihi lahaa qabashada doorashooyinka dalka.

Dad badan ayaa isweydiinaya sababta Wakiilka Q/Midoobey u qaabilsan Soomaaliya uu kulamo looga hadlayo xaalada siyaasadeed ee dalka ula qaadanayo Taliyaha Sirdoonka, iyadoo ay joogaan madaxdii dalka ee ka sareysay sida Madaxweynaha & RW.

Maraykanka oo ka mid ah dowladaha sida weyn u taageera DF ayaa 24-kii saacadood ee ugu dambeeyey xoojiyey cadaadiska uu ku hayo madaxda dowlada, isagoo ugu baaqaya iney wadahadal la yeeshaan madaxda dowlad goboleedyada iyo asxaabta siyaasadeed ee ka jirta, si leysula meel dhigo qorshe mideysan oo la xiriira doorashada soo socota ee dalka.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here