Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo Warbaahinta shir jaraa’id u qabtay ayaa ka hadlay safaradii uu ku tagay qaar kamid ah maamul goboleedyada iyo dadaalada uu ugu jiro qabsoomida doorasho loo dhan yahay.

James Swan ayaa sheegay in uu la kulmay lana hadlay inta badan Madaxda Soomaaliya iyo saamileyda siyaasada dalka, waxa uuna sheegay in uu kala hadlay sidii dalka looga qaban lahaa doorasho loo dhan yahay loogana fogaan lahaa khalalaase.

Waxa uu cadeeyay Swan marka loo eego xiliga yar ee ka harsan 8-da bisha Febraayo ay muuqato in doorashada aan lagu qabin karin kahor xiligii hore loo qorsheeyay, waxa uuna tilmaamay in habraacyada la marayo ay badan yihiin sida, In la doorto Aqalka sare, in la soo xulo ergooyin kala duwan, kadibna ay doortaan Xildhibaanada Golaha Shacabka, in Muqdisho la isugu yimaado, la dhaariyo ay galaan doorashooyinka Baarlamaanka, kadibna ay doortaan Madaxweyne.

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa sidoo kale tilmaamay in doorashada Soomaaliya sidaan oo kale marar badan horey dib uga dhaceen xiligii loo qorsheeyay, waxa uuna xusay in Baarlamaanka uu meel mariyay sharci tilmaamaya in golayaasha dowlada sii shaqeenayaan inta laga soo dooranayo kuwii bedeli lahaa.

Doorashada Soomaaliya ayaa wali waxaa ka taagan khilaaf xoogan xili maalmo yar ka harsan tahay mudo xileedkii Madaxweyne Farmaajo, waxaana wali khilaaf uu ka taagan yahay guddiga doorashada maamulada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here