Iyadoo la filayay in maanta ilaa caawa War murtiyeed laga soo saaro Shirkii Madaxda Dawladda Somalia iyo Maamul goboleedyada ayaa caawa lagu wargaliyay saxaafada inay iska dareeraan, uuna dib u dhacay War murtiyeedkii shirkaas ka soo bixi lahaa.

Warar hoose ayaa sheegay inaan wali isfaham dhameystiran laga gaarin arrinta gobolka Gedo iyo arrimo kale oo horey la iskugu maan dhaafsanaa inkastoo qodobada qaar isfaham laga gaaray sida ay sheegayeen warar maanta soo baxay.

Arrintani ayaa baajisay qorshe Madaxwaynaha Somalia uu galabta dib ugu laaban lahaa Muqdisho.

Rajada maanta la qabay ayaa ahayd in guddiyo ka shaqeeya War-murtiyeedka la isku raacay, balse saacadihii ugu danbeeyay ayaa la sheegay iney wax isbedaleen.

Madaxda ku shirsan Dhuusamareeb ayaa la soo sheegayaa iney caawa yeelanayaan kulamo kale, si xal looga gaaro waxyaabaha weli aan laga heshiisin ee khuseeya arrimaha doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here