Ma jirta heshiis toos ah oo laga gaaray arimaha Doorashada iyadoona wali ay u muuqata Madaxweyne Farmaajo in uu qabto doorasho hal dhinac ah madaama uu arko hadoow qabto Doorasha loon dhan yahay uusan ku soo baxeynin sida lagu yaqaano siyaasada Doorashada Soomalaiya

Ma jira wali heshiis mideysan oo dhanka Doorashada ah waloow uu jiro dadaal xoogan ay wado Beesha Caalamka ee daneeyo Arimaha Soomaliya

Mucaaradka wali waxay ku dhagan yihiin meeshoodii aheyd in la kala dira Gudiga Doorashada halka dhinac Ciidamadana laga soo saaro Gobolka Geddo si loo heli nidaam heshiis lagu wada yahay ee Doorasho

Arintaa ayaa u muuqan Madaxweyne Farmaajo isagoo Doonayo Doorasho hal dhinac ah oo laga qabto 3 maamul goboleyd oo isagu xulafo la ah halka uu ganafka ku dhuftay Puntland iyo Jubbland

Xaalka waa qori qori ku taag waqtiga waa gabaabsi oo waxaa u haray Farmaajo 18 cisho taa oo hadaan heshiis laga gaarin ka hor talka Soomaliya mugdi galin doonto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here