Shirka madaxda Soomaalida oo maalintiisii labaad galay ayaa jawigiisu ka duwanaa kii maalinimadii shalay,iyada oo ay dhinacyadu isaga soo dhawaadeen sidii hore.

Marka laga reebo dood kulul oo dhexmartay Madaxda dhinacyada maamul goboleedyada qaar, haddana madaxwayne Farmaajo ayaa u muuqday mid ka dabacsan maalintii koowaad ee shirka.

Ilo wareedyo ku dhaw madaxda maamul goboleedyada ayaa sheegay in uu jiro tanasul 30% kiiba ah, iyada oo dhinacyadu isla ogolaadeen mid ka mid ah mawqifyadii ay ku dhaganaayeen madaxda PL iyo JL oo ahaa in furitaanka shirka ay ka soo qaybgalaan Madaxwaynayaashii hore iyo Gudoomiyaha aqalka sare.

Madaxwayne Farmaajo ayaa wali ku dhagan qoritaanka warqad uu ku wareejibayo awoodaha qaar, sida tan ciidamada iyo doorashada.

Madaxwaynayaasha Hirshabelle iyo Galmudug oo si adag labadii maalmood ula hadlayay Siciid Dani iyo Axmed Madoobe ayaa la sheegayaa in xubnaha beesha caalamku ay arrintaas kala hadleen.

Madaxda Dawlad goboleedyada iyo Dawladda FS ayaa haysta muddo sadex maalmood ah oo ka bilaabanaysa maalinta Talaadada oo ay madaxdu shirka u balansan yihiin.

Sida laga soo xigtay dublamaasiyiin dhanka beesha caalamka ah, hadii ilaa maalinta khamiista ah ay madaxdu heshiis ku gaari waayeen waxaa laga yaabaa in beesha caalamku ay soo dhexgasho ama ay qaadato qorshaha loo yaqaano “Plan B” kaas oo aan la ogayn waxa uu noqon karayo.

Madaxda ayaa bari shirka ka nasanaya, iyaga oo la soo tashanaya xulafadooda , kadibna isu soo laaban doona Talaadada, si ay qodobada la isku mari la’ yahay isula meel dhigaan.

Maxaad u malaynaysaa in uu noqon karayo Plan B, hadii shirka ajandihiisa lagu heshiin waayo?.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here