Waqtiga waxuu kusii siqayaa 15 May oo ahayd maalintii loo asteeyay doorashada madaxweynaha ee dalka somaaliya, tartamayaasha ma ahan kuwo ku cusub masraxa siyaasadda badankood waa siyaasiyiin si wayn looga yaqaan gayiga ,xilal sarsare dalka kasoo qabtay

codbixiyaashu waa tiro ka kooban 329 oo ka kala imaanaya labada golle, hadaba tartamaha & tageerayaashooda waxaa looga baahan yahay inay xooga saaraan sida ay fakirkooda & qorasha 4 sano ee soo socota inay xildhibaanadda ku qanciyaan , macno masameyneyso hebel waa nin xun madaxweyne uma qalmo Aniga ayaa uga haboon

Somaaliya waa dalkii lagu tilmaamay ilbaxninadda & dimoqoraadiyadda afrika 1967
Doorashadii dalka ka dhacday awgeed oo ay ku tartamayeen Adan CAbdullahi Cismaan &
C/rashiid Cali Sharma arke,

Waxaan kusoo gaba gabeynayaa qormadeydda
siyaasiyiinta loo hanwayn yahay ee damaca kaga jiro hogaanka dalka ugu sareeya waa inay ka fogaadaan waxwalba oo kala fogeyn kara Bulshada kala tageerta kursiga madaxweyne nimo ninkii Ilaahay u qoray ayaa ku fadhiisan doono , anaga ma go,aamin doono
Ee samir & dulqaad hala muujiyo

Wabilaahi towfiiq
I O Mahadalle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here