Waxaa tan iyo Markii la magacaabay Reysulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa soo baxay xan iyo ku tiri ku teen Sheegeysa in Rooble yahay Shaqsi Daciif ah. Waa nin aad u Qabow oo aan sax iyo qalad midna diidi karin. Balse arimahii dhacay intii uu xilka hayey waxay muujinayeen wax ka bedelan arimahaa.

Haatan PM Rooble ayaa u muuqda mid muujinaya Metelaadiisa dowlada dadka dega Hirshabele. GALMUDUG iyo Gobalka Banaadir. Isagoo si dhawaaq dheer ah ku sheegay in isagu Dowlada ku metelo Musharaxiinta ka soo jeeda Hirshabele. GALMUDUG iyo Gobolka Banaadir. Mar uu idaacada Shabelle la hadlayna waxuu si cad oo aan leexleexad laheyn u muujiyey in CCW. Xasan Sheekh. Kheyre iyo Sheekh Shariif aysan cabsan oo uu isagu Xamar u joogo. Taas oo u dhigan in uu yahay Metelaadiinii dowlada ayan ahay. Taasina waxay banaanka soo dhigtay waxa uu yahay PM ROOBLE oo u muuqda mid leh awood iyo masuuliyad dowladnimo oo si hufan u qaadan karo Go’aamo shaqsi oo lagu ilaalinayo hanaanka dowladnimo in lagu daneysto. Dad gaar ahna si guracan loogu maamulo masuuliyadooda.

Xogo hoose ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha NISA FAHAD Yaasiin ay PM Rooble isku fahmi waayeen Xildhibaanada ka imaanaya Hirshabele iyo GALMUDUG oo xarunta NISA howlahoodu ka socdaan. Taas oo uu ka biyo diiday RW ROOBLE. Waxa uuna qabaa Bulshada labadaa Maamul inay si xor ah u doortaan Xildhibaanada ay iyagu dantooda u arkaan. Lagana joojiyo faragelinta.

Hadaba PM Rooble waxaan kula talin lahaa inuu xoojiyo dowladnimada iyo ilaalinta xaquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed. Kana fogaado in magaciisa loo adeegsado dano dad kale ay leeyihiin. Taas oo ay meesha ka marneyn inaysan jirin wax u damaanad qaadaya in loo magacaabi doono PM. hadii mar labaad Madaxweyne loo doorto MW Farmaajo.

Talo adigaa ku nool ee iyadu kuguma noola

Abdurashid Abdulle Abikar Deyl

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here