Sida lagu shaaciyay Warbaahinta Bloomberg Dowlada Boqortooyada Sacuudiga ayaa dooneyasa inay sida ugu dhaqsiyaha badan u dhameystirto heshiis iskaadhi Milateri xili dhawaan ay isla garteen labada Dal kadib khilaafka Somalia iyo Imaaraadka Carabta.
Madaxweynaha Somalia ayaa marka uu ka soo laabto Laas-caanood wuxuu tagi doonaa dhowr dal oo Sacuudi ka mid yahay si Boqortooyada uu ka soo xaqiijiyo dhameystirka heshiis iskaashi Milateri ah kaasoo qiimo badan ugu fadhiya Somalia madaama xaalado adag ay ka jiraan geeska Africa.
Somalia waxay maanka ku heysa hirar mowjado ah oo dhanka amniga ah oo ku soo fool leh sida aqoonsiga Yuhuuda ay siisay mid ka mid ah Gobolada Somalia si loo kala dhantaalo madax-banaanida iyo wadajirka dhuileed ee Somalia kadib dano guracan Yuhuudu uga fushato Somalia sida dagaalada ka dhan ah kooxda Xuutiyiinta iyo Iiran.
Sidoo kale Madaxweynaha Somalia oo ah siyaasi aragto dheer wuxuu maanka ku heyaa dagaalkii diblomaasiyadeed ee uu kaga guuleystay Itoobiya oo dooneysa inay xoog ku hesho marin biyeed inaysan meel fadhin oo ay inta ugu badan qorshaha aqoonsiga Somaliland hoosta kala socoto Israa’iil si ay laba dan ay kala leeyihiin uga fushadaan Somalia.
Warbaahinta Bloomberg wuxuu warbixintiisa ku sheegay in heshiiskaani iskaashiga Milatei Sacuudigu sidoo kale Dalka Masar ay iyagana la saxiixan doonaan si ay dhamaan dalalkaani isku kaashadaan loona garab siiyo Somalia oo xaalado adag lugaha la gashay.
Qorshaha Boqortooyada Sacuudiga ayaa qeyb ka ah dadaal ay ku xakameynayaan saameynta gobolka ee Imaaraadka Carabta,waxaana heshiiskaani uu sidoo kale salka ku hayaa in lagu xoojiyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee amniga badda cas oo xitaa quwadaha waaweyn ay ahmiyad siinayaan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
