XIGASHO LAACIB.NET
Xiddiga da’da yar ee Barcelona, Lamine Yamal, ayaa xaqiijiyay inuu dhammaaday xiriirkiisii jaceyl ee aad loo hadal hayay ee uu la lahaa fannaanadda reer Argentina Nicki Nicole. Xiriirkan oo socday ku dhowaad saddex bilood ayaa ahaa mid xiiso badan ku dhaliyay taageereyaasha iyo warbaahinta caalamka.
Yamal ayaa sheegay in kala taga uu ahaa mid si dabiici ah ku dhacay, islamarkaana uusan ka dhalan wax fadeexad ah. Isagoo ka jawaabaya warar been abuur ah oo bilowday inay ku faafaan baraha bulshada, Yamal wuxuu si cad u sheegay xaqiiqda.
“Annaga ma nihin dad WADA JIRA hadda. Wax khiyaano ah meysan burburin xiriirkeenna, si caadi ah ayaan u kala tagnay waana intaas. Waxyaabaha lasoo saarayo ee la sheegayay ma jiraan. Anigu ma khiyaamin qofna mana jirto qof kale oo aan la socdo.” Ayuu yiri Lamine Yamal.
Haddaba iyadoo arrintan la xaliyay, diiradda waxaa mar kale saari doonaa garoonka. Xiriirka la soo afjaray wuxuu meesha ka saaray sheekooyinka hareeyay ciyaaryahankan dhalinyarada ah, iyada oo hadda dareenkiisu dib ugu noqon doono inuu sii wato kobcidiisa kubadeed iyo mustaqbalkiisa Barcelona.
XIGASHO LAACIB.NET
