HomeCiyaarahaWar Culus: Man United oo ku dhawaaqday go’aan ku saabsan mustaqbalka Ruben...

War Culus: Man United oo ku dhawaaqday go’aan ku saabsan mustaqbalka Ruben Amorim!

XIGASHO LAACIB.NET

Warbixin uu daabacay The Mirror ayaa sheegaysa in tababaraha Manchester United, Ruben Amorim, si rasmi ah loo siiyay saddex kulan oo go’aan qaadasho ah si uu shaqadiisa u badbaadsado.

Sabarka maamulka United ayaa sii yaraanaya kaddib markii kooxda ay heshay kaliya 8 guul 31 kulan oo uu Amorim hogaaminayay. Xilli-ciyaareedkan, Red Devils waxay ku jiraan booska 14aad ee Premier League, waxaana Carabao Cup ka reebtay kooxda heerka hoose ee Grimsby Town.

Inkasta oo madaxda United ay weli kalsooni u muujinayaan Amorim, haddana xaaladda waxaa la qiimeyn doonaa inta lagu jiro kulamada soo socda ee ka dhanka ah:

Chelsea

Brentford

Sunderland

Go’aanka kama dambaysta ah ayaa la filayaa in la gaaro ka hor fasaxa caalamiga ah ee bisha Oktoobar.

Liiska Tababarayaasha suuragalka ah Iney Beddelaan (5 tababare):

Gareth Southgate (tababarihii hore ee England)

Oliver Glasner (Crystal Palace)

Marco Silva (Fulham)

Andoni Iraola (Bournemouth)

Mauricio Pochettino (tababaraha xulka USA, muddo dheer lala xiriirinayay Old Trafford)

XIGASHO LAACIB,.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -