HomeCiyaarahaWar Cusub: Alexander Isak oo go’aan adag ka soo saaray xiisadda ka...

War Cusub: Alexander Isak oo go’aan adag ka soo saaray xiisadda ka dhex taagan Newcastle iyo Liverpool

XIGASHO LAACIB.NET

Alexander Isak ayaa si joogto ah loola xiriirinayay inuu u wareego Anfield xagaagan oo dhan, balse milkiilayaasha Sucuudiga ee Newcastle ayaa la sheegay inay si cad u sheegeen inuusan meelna aadayn.

Wararka ayaa sheegaya in Isak loo sheegay inuusan helayn oggolaansho uu kaga tago Newcastle United xagaagan isla markaana “aan loo oggolaan doonin inuu ku biiro Liverpool” taasoo ka cadheysiisay.

Mustaqbalka weeraryahanka reer Sweden ayaa noqday mid si weyn loo hadal hayo toddobaadyadii la soo dhaafay, iyadoo Isak laga saaray liiska safarka xagaaga ee Newcastle ee Aasiya, waxaana lagu qasbay inuu keligiis tababarto tan iyo markii kooxda ku soo laabatay.

Eddie Howe ayaa Jimcihii qirtay, kadib markii mar kale Isak uusan ka qayb qaadan ciyaarta saaxiibtinimo ee Espanyol, inuusan filayn in ciyaaryahanka uu diyaar u noqdo kulanka Aston Villa toddobaadka dambe marka Premier League dib u billowdo.

Dhanka kale, wargeyska The Telegraph ayaa sheegaya in milkiilayaasha Sucuudiga ee Newcastle ay qaateen mowqif adag oo ka dhan ah go’aanka 25-jirka ah ee doonaya inuu isku dayo inuu ku biiro Liverpool.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in Isak uu “diiday inuu si deggan u aqbalo go’aanka”, taasoo keentay “khilaaf iyo xiisad”.

Waxaa sidoo kale la sheegay inay “aad u adag tahay” in Newcastle ay fasaxdo xiddigeeda xitaa haddii ay hesho beddel suuqa kala iibsiga, iyadoo xaaladduna ay imtixaan ku tahay dulqaadka tababare Howe.

“Howlaha aan wadnay waa cad yihiin; waqti xaadirkan ma awoodno inaan koox ahaan isaga ku dhafno safkeenna,” ayuu yiri tababaraha Newcastle Jimcihii.

Wararka ayaa imanaya xilli Liverpool ay isu diyaarinayso inay macsalaameyso Darwin Núñez, kaas oo ku biiraya Al-Hilal kadib markii labada koox heshiis gaareen Khamiistii.

Iyadoo sidoo kale Federico Chiesa la filayo inuu tago, Liverpool waxaa u haraya keliya saddex weeraryahan — Mohamed Salah, Hugo Ekitike iyo Cody Gakpo — hase yeeshee Rio Ngumoha ayaa door weyn ka ciyaari doona kooxda xilli ciyaareedkan.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -