Waxaa saacadihii lasoo dhaafay Suuqa lasoo galiyay in guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Finish xilka ka qaaday guddoomyihii degmada Howlwadaag Mustaf Ali mid cusubna u magacaabay.

Warar lagu kalsoonaan karo aan caawa helay ayaa sheegaya in aysan jirin in xilka laga qaaday guddoomiyaha Howlwadaag balse ay jiraan isku dayo Cumar Finish loogu qal qaalinayo in Guddoomiye cusub si degdeg ah ugu magacaabo Howlwadaag kahor inta aan isaga xilka laga qaadin.

Isku daygan la doonayay in xilka looga qaado guddoomiyaha Howlwadaag ay hor boodayaan Xildhibaano caan ah ayaa wararka qaar sheegayaan in uu fashilmay halka warar kalana sheegayaan in xildhibaanada wali ka shaqeenayaan in Guddoomiye cusub Howlwadaag loo magacaabo.

Xildhibaano kale ayaa iyana wada dedaalo looga hortagayo in xil kaqaadis degdeg ah lagu sameeyo guddoomiyaha Howlwadaag.

Dhoor sanno kahor ayaa sidan oo kale waxaa u fashilmay xil ka qaadis la doonayay in lagu sameeyo guddoomiyihii Howlwadaag ee xiligaas Cabdikariin Cali Kaar iyada oon madaxda sare ee dowladda aysan ka war heyn.

Waxii xaqiiqa ah ee kusoi kordha warkan kala soco halkan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here