Madaxweyne kuxigeenka dowladda Hirshabelle mudane Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo ku sugan degmada Maxaas ayaa shir guddoomiyay shir looga hadlayay amniga gobolka Hiiraan iyo dar-dar galinta howlgalka ka dhanka ah Al Shabaab ee gobolka Hiiraan ka socda.

Shirka waxaa ka qeyb galay Taliyaha ciidanka Dhulka ee Xoogga dalka Generaal Maxamed Tahliil Biixi, Xildhibaanno kamid ah Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Xildhibaanno iyo Wasiirro katirsan dowladda Hirshabelle,Taliyaha qeybta 27-aad Gen. Tawane Gureey,maamulka degmada Maxaas iyo Odayaasha dhaqanka.

Kulanka ayaa diirrada lagu saaray muhiimadda ay leedahay dhammeystirka howlgalka ka dhanka ah Al Shabaab ee Hiiraan ka socda,waxaana madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed ayaana faray saraakiisha amniga in ay dar dar geliyaan howlgalka socda wuxuuna u ballan qaaday in dowladda Hirshabelle ay wax walba ku bixin doonto howlgalka socda.

Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar ayaa geed fadhi u ah Howlgalka Al Shabaab looga saarayo G/Hiiraan waxuuna madaxweynaha gaaray furinta dagaalka si uu ciidanka Dib-u-xoreynta deegaanka iyo kuwa dowladda ee dagaalka kula jira Al Shabaab.

  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here