Askari ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Isgoyska Blacksea waxaa uu ku dilay darawal Mooto Bajaaj, iyada oo dilka kadib uu goobta ka baxsaday askariga dilka geystay.

Goobjooge ku sugna Goobta uu dilka ka dhacay ayaa sheegay in dilka uu yimid, kadib markii askariga uu ka codsaday wadaha Mooto bajaajta in uu qaado, hayeeshee uu diiday, sidaasina askariga uu dhowr xabadood madaxa uga dhuftay.

Darawalka Mooto Bajaajlaha ahaa ee la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xaashi Cumar Carabeey, waxaana ehelladiisa ay sheegeen in meydka la geeyay Xarunta Haya’dda dambi barista ee CID.

Ciidamo ka tirsa Booliska Soomaaliya ayaa tegay halka dilka uu ka dhacay, hayeeshee la sheegay in aysan u suurtagelin inay qabtaan askariga dilka geystay, kaas oo goor sii horeysay goobta ka baxsaday.

Dilalka askarta ka tirsan Ciidamada dowladda ay u geysanayaan Darawalada Mooto Bajaajta ayaa inta badan ka dhaca degmooyinka Gobolka Banaadir, in kastoo bilihii la soo dhaafay ay aad u yaraadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here