Waxaa goordhaw Xaafada Sarkuusta ee magaalada Muqdisho lagu dilay Gudoomiyihii degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir Maxamed Cabdi Axmed sida ay noo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo.

Gudoomiyaha ayaa la sheegay in lagu dilay guri uu ka degnaa Xaafada Sarkuusta halkaas oo la sheegay in kooxo hubeesan ugu galeen kadibna ku dileen, waxaana dilka kadib goobta ka baxsaday dableydii hubeesneed.

Sida aan wararka ku helnay Gudoomiyaha la dilay ayaan wadan wax ilaalo ah xiliga lagu dhax dilayay guriga uu degnaa, waxaana goobta uu dilku ka dhacay gaaray ciidamo katirsan dowlada oo baaritaano bilaabay.

Waxii warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here