MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wararka aan goor dhaw ka heleyno suuqa Bakaaraha ee Muqdisho ayaa sheegaya inuu ku soo dhacay dhowr madfac hoobiye ah.

Advertisement

Madaafiicdaan  ayaa ku soo dhacay nawaaxiga Salam Somali Bank iyo Masjidka abaa hureyra ee suuqa bakaaraha.

Wararka horu dhaca ah ee aan heleyno ayaa sheegaya inuu jiro dhimasho ilaa iyo afar ruux iyo dhaawac ka badan 10 ruux walow aan tira koob rasmi ah laga heyn.

Dhaawacyada ayaa sii badanaya  sida dadka suuqa ku sugan noo soo tabinayaan madaama meesha uu ku soo dhacay ay tahay meel dadku ku badan yahay.

Wixii faahfaahin soo kordha wararkeena xiga ayaan idinkula socodsiin doonaa insha Allah.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.XOM

Previous articleHaweeneey ninkeeda maanta ku gubtay Muqdisho
Next articleXiisad ka dhex taagan Shacabka Gobolka Geddo iyo Ciidamada Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here