Hawlgalka qorsheysan oo ay iskakaashadeen Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya iyo saaxiibada Mareekanka oo ka dhacay gobolka Jubbada hoose ayaa lagu dilay xubno ka tirsan Khawaarijta.
Weerarka oo ay fuliyeen ciidanka Xoogga oo kaashanaya Ciidanka Cirka ee Mareekanka ayaa ka dhacay deegaan 45KM waqooyi berri ka began magaalada Kismaayo ee xarunta Ku meel gaarka ee dowlad goboleedka Jubbaland, waxaana lagu dilay ilaa afar xubnood oo mid ahaa koox ka tirsan khawaarijta oo isku abaabulayay goobta la bartilmaameedsaday, mana jiro wax qasaara ah oo soo gaaray dadka rayidka ah.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa dadkeeda iyo saaxiibada caalamka waxaa ka go’an ciribtirka kooxaha khawaarijta oo khatarta iyo duulaanka ku ah jiritaanka Soomaaliya.
May be an image of aircraft and text that says "U.S. AIR FORCE Reuters"
Previous articleMadaxweynaha oo gaaray Dalka Qadar+SAWIRRO
Next articleXildhibaanada Labada aqal oo maanta ansixiyay xisaab xirka Miisaaniyad sanadeedka 2022-kii +Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here