Waxaa goor dhawayd Dalka qadar lagu soo gaba gabeeyay cayaarihii aduunka ee socday mudo bil ah, waxaana ugu danbayn ay Cayaartii ugu danbaysay dhex martay Xulka qaranka France iyo xulka Argentina.

Cayaartan oo ahayd finalka koobka aduunka ee ka dhacaya dalka Qatar ayaa waxaa koobkii la hoyday.

Cayaartan ayaa caawa waxay ahayd mid mucjiso ah, kadib marii Xulka qaranka France lagaga hor maray 2 gool, waxayna dadaal dheer kadib ku dhawaad 75 Daqiiqo kadib keeneen 2 gool oo Deg deg deg ah.

Sidoo kale cayaartan ayaa ahayd mid aad u adag, waxaana la isla aaday  markii ay dhamaatay cayaarta Waqti dheeraad ah, waxaana lagu daray 15 daqiiqo oo dheeri ah.

Cayaarta ayaa ku dhamaatay 3-3 oo ay koobka ku qaadeen Rigoorayaal xulka Argentina oo uu Hogaaminayo waayeelka Lionel Messi

sidoo kale waxca goobta joogay Madaxweynaha faranca macron iyo Madaxweynaha Xulka Argantin, waxaana ka mid ahaa Madaxdii halkaas joogtay Madaxweyne Xasanm shekh oo lagu Casuumay Halkaas

Abdihakim Elmi Hassam Nairobi

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here