War deg deg ah Loolanka Doorashooyinka Jubland iyo Madaxdii Degmooyinka oo is fashliyey

0

 

Somaalidu waxay Ku Maahmaahaan ! Labadii Xaaraanta ku Heshiiya Xalaasha ayeey ku Diriraan!!

Guddoomiye ku xigeenka BADHAADHE YUSUF KOWNAYN ayaa wuxuu ku eedeyey Ciidamadda Muxumed Fanax in ay Dhac baahsan u geystaan Shacabka Degmadda BADHAADHE iyo Tulooyinka Ku hareersan .

Yusuf kownayn waxaa kaloo uu sheegay in Mucaawino la geeyey Tuladda KUDHAA ay dhaceen Ciidamadda Muxumed Fanax.

Ka dibna Dib loogu soo celiyey Magaaladda Kismaayo.

YUSUF KOWNAYN oo hadalkiisa sii waata ayaa wuxuu yiri

Maamulka.Degmadda BADHAADHE iyo Kulbiyoow iyo Jaziiradaha Kismaayo waxaa Maamula Ciidamo Ka amar qaata Muxumed Fanax. Doomaha Qaadka Canshuurta laga Qaado waxaa Iska Maamusha oo Danahiisa qaaska u isticmaala Muxumed Fanax.

Dhowr mar ayaan Odoyaasha Ka Soo Jeeda Degaanka Joraa iyo Degmadda BADHAADHE U sheegay in ay Garab igu siiyaan sidii aan Ku bedeli Lahayn Muxumed Fanax oo Caqabad ku ah horumarka Degaanka Badhaadhe.

Hadalka Ka soo Yeeray Gudoomiye ku xigeenka BADHAADHE Yusuf kownayn ayaa ku soo aadaya waqti ay Beesha U ka soo jeedo Cismaan Maxamuud .oo ay Hogaaminayaan ISLAAM Maxamed Islaam Calidheer (ASKAR) iyo SULDAAN AXMED NUUR JAMAC ay Goaansadeen in ay Bedelaan YUSUF Kownayn kuna Bedelaan Aqoonyahan Musharax Dr. MAXAMED CABDIRAXMAAN MURSAL.

 

Waxaa la soo xaqiijiyey in Yusuf kownayn Dhaqaalaha uu abaabulka ku Sameenayo uu Ka helayo Nin Degan Dalka Australia oo Magaciisa La Yiraahdo MAXAMUUD AXMED CUMAR LOO YAQAANO (MOA) Kana Tirsan Ururka Argagixisadda Alshabab oo hadana Dacwad oga Furan Tahay Somalia Maamul Goboleedka Jubbaland MR.Moa wuxuu ka soo horjeeda Maamul Goboleedka Jubbaland wuxuuna dhaqaale ku bixiyaa amaan daradda iyo in xasilooni laan ka jirto Jubaland qaas ahaan BADHAADHE iyo Kismaayo.

YUSUF KOWNAYN Ka dib Markii uu ogaaday in la bedelaayo wuxuu bilaabay Kicin iyo Iska Horkeenida Shacabka iyo Maamulka Degmadda BADHAADHE isagoo doonaya in Uu ku Helo Taageero Shacab. Isla markaana wuxuu Bilaabay in uu Yiraahdo Canshuurta Qaadka waxba looguma Qabto Degmadda BADHAADHE iwm.

Waxaa kaloo uu Maalmahan Bilaabay in uu Saxaafadda u yeerto isagoo ku qarinaya kala fogeeynta uu ka dhex wado Beelaha Dega BADHAADHE dhexdooda iyo Gudoomiyaha BADHAADHE Muxumed Fanax.

 

Kala socda wixii aqbaar ah Halkan

Wariye Mustafa Cali
Alcadaala

Dayniile.com

KISMAAYO JUBBALAND

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here