war deg deg ah Madaxweynayaashii Hore ee Soomaliya oo loo diiday in ay ka dagaan magaalada Baladweyne

War goordhaw kusoo dhacay shabakada Wararka Allbanaadir ayaa sheegaya in hawada magaalada Baladweyne ay kasoo laabatay diyaaradii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka qaaday labo Madxaweyne hore iyo xubno la socday.

Diyaarada ayaa la sheegay markii ay ku dhawaatay in ay ka degto garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne laga dansaday raadeerkii laga hagi lahaa, waxa ayna taasi keentay in diyaarada dib usoo laabato.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo katirsan Madasha Xisbiyada Qaran uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in garoonka diyaarada Baladweyne loo diiday in ay ka degto diyaaradii ay la socdeen Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif.

”Diyaaradii siday Madaxweyneyaashii hore ayaa la sheegayaa in loo diiday in ay ka degto airport ka Beledweyne! Xildhibaan Golaha Shacabka katirsan oo airport ka ku sugan oo aan la hadlay wuxuu ii sheegay in RAADEERKA diyaarada laga hagayay laga dansaday markii diyaaradu ay dagi rabtay!” ayuu yiri Mahad Salaad.

Waxa ay arintan kusoo aadeysaa xili saakay saacado badan lagu xanibay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho diyaaradii ay wafdigan ka socda Madasha Xisbiyada Qaran ku aadi lahaayeen magaalada Baladweyne.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha warkan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064