War goor dhaw uu bartiisa Face-book soo dhigay Wasiirka Warfaafinta puntland Cabdi Farax Juxa ayuu ku cadeeyay in Madaxweynaha Maamulka Puntland uu qaatay go’aan geesinimo leh taasoo ah inuu u tanaasulay mucaaradkiisa.

Madaxweyne Dani wuxuu ogolaaday inuu ka laabto go’aankii ahaa in doorashadu noqoto qof iyo cod taasoo ay si weyn uga soo horjedeen mucaaradkiisa Puntland waxayna keentay dagaalo iyo dad shacaba dhintaan.

Advertisement

Qoraalka uu soo qoray wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sidan u qornaa:-

Puntland waxay aadaysaa doorasho madaxtooyo iyo mid Gole wakiillo.
Waa inay doorataa hogaan ka rara xerada qaniinka iyo shilinta leh. Waa ka xunnahay in xoogag maro-kudheg ahi lugaha ku dhegeen dimoqraadiyaddii Puntland.
Puntland marwalba waxaa lagu yaqaan inay maarayso arrimaheeda gudaha, maantana tani waa tusaale kale oo taariikhi ah.
Mahadsanid Madaxweyne hogaanka iyo go’aanka taariikhiga ah.
Previous articleBisha Cas oo shaacisay in 10% kaliya ay ka helaan gar-gaarka u baahan yihiin reer Gaza
Next articleDAAWO VIDEO: Faahfaahin Qaraxii Caawa Muqdisho ka dhacay iyo Dowlada oo sheegtay in la fashiliyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here