War Deg deg ah Magaalada Kismaanyo oo ay ka socoto qaban qaabada lagu dhaarinayo Xildhibaanada Garabka Isbadal Doonka

 

Magaalada Kismaanyo ayaa waxaa ka jira jah wareer siyaasadeed xoogan oo keentay in magaaladaaso looga dhawaaqo 150 Xildhibaan ay kala wataan Madaxweynaha Xilka ka dhamanayo iyo Golaha Isbadal Doonka ah

Doraad ayeey aheyd markii garabka Ahmed Madoobe ku dhawaaqeen Xildhibaano gaaraayo 73 kuwaa oo inta badan sameystay Ahmed Madoobe si ay ugu doortaan Madaxweyne

Markee halkaa maree garabka Isbadal Doonka ayaa iyaguna Saacdo ka dib ku dhawaaqay Xildhibaan 75 ah kuwaa oo sida la sheegay lagu BareejenaayeyCiyaarta uu wado Ahmed Madoobe halkaan Ciyaarta waxay noqotay H
al iyo Hal

Isla shalay waxaa la dhaariyey Xildhibaanada Ahmed madoobe halkaana ku doorteen shaqsi ugu dad weyn in uu noqdo Gudoomiye Kumeel Gaar ah inta laga Dooranaayo Gudoomiyaha Baarlamaanka

Wararka hada naga soo gaarayo magaalada Kismaanyo ayaa sheegaya i Garabka Isbadal Doonka ay iyaguna wax yar ka dib dhaarin doonaan Xildhibaanada ay magacabeen halkaana ku dooran doonaan qofka ugu dada weyn in uu noqda Gudoomiyaha Kumeel Gaarka

Xaalada Kismaanyo ayaa u.muuqata mid faraha la sii galeysa colaad iyo bur bur hor leh taana waxaa laga dhaxli doonaa qax iyo bur bur xoogan hadaan xal deg deg ah laga gaarin

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064