War deg deg ah Qarax weyn oo goor dhow ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

0

Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay ka dhacay magaalada Muqdisho kaasoo daryankiisa laga maqlay meelo badan.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in qaraxa uu fuliyey qof waxyaabaha qarxa dhexda ku soo xirtay oo naftiisa biimeeyey kaasoo beegsaday Maqaayada Blue sky oo dhow Tiyaatarka Qaranka, halkaasoo galabtii dad badan ay shaah ka cabaan.

Goobta qaraxan uu ka dhacay ayaa kaabiga ku heysa bar kontrol oo laga ilaaliyo madaxtooyada Somalia taasoo ku taalla meel u dhexeysa maqaayada Blue Sky iyo Tiyaatarka qaranka.

“Qaraxwayn ayaa Ka dhacay agagaarka Tiyaatarka qaranka, waxaan Ku suganahay meel aan aad uga fogayn goobta qaraxu Ka dhacay, goob makhaayad ah oo aan joogay, waxaa Ku soo dhacay hilbo dadeed , waxaa dhacaya rasaas, hoobta sida rasmiga ah uu uga dhacay ayaa ah Makhaayad Blue sky oo masaafo gaaban u jirta xarunta Tiyaatarka qaranka” ayuu yiri weriye goobta ku sugan oo qoraalkan soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxaana cakiran xaalada goobta qaraxu ka dhacay. waxaana jira sida wararku nagu soo gaarayaan khasaare iskugu jira

Ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa buux-dhaafiyay goobta, waxaana la maqlayaa dhawaqa rasaas ay ridayaan Ciidanka, waddooyinka halkaas soo galana waala xiray, lamana oga illaa hadda khasaaraha qaraxan iyo cidda lala beegsaday.

La soco wixii soo kordha

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here