War deg deg ah Rasaas Culus oo ka dhaceysa xera ciidan oo ku taalo magaalada Muqdisho

0

asaas culus ayaa goor dhow salaadii maqrib ka dib ka bilaabatay xerada milateriga Damaanyo oo ku taalla nawaaxiga degmada dayniile ee magaalada Muqdisho, kuna dhegan xaruntii hore ee Kuliyadda ciidamada Jaalle Siyaad.

Xeradan ayaa waxay saldhig u tahay, kuna xareysan ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed oo sidoo kale halkaas ku qaata tababaro.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in ku dhowaad muddo 30 daqiiqadood oo xiriir ah gudaha xeradaas laga maqlayo rasaas xoog badan oo ka dhaceysa taasoo u muuqata mid la isweydaarsanayo.

Weli lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa rasaasta laga maqlayo gudaha xerada Damaanyo iyo in halkaas uu ka socdo iska horimaad iyo in kale.

La soco wixii ka soo kordha.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here