Mushahaarka Shaqaalaha Madaxtooyada Soomaaliya, Wasaaraddaha iyo Hay’addaha ayaa wax kabedel lagu sameeyey, waxaana ladhimay Gunooyinka iyo Mushahaarka Shaqaalaha.

Shaqaalaha rayidka ah ee qaadan jiray, $700 dollar ayaa lageeyey $500, Shaqaalihii heli jiray $500, ayaa laga dhigay $300-$250, Shaqaalaha Gunada qaadan jiray ayay saameyn xoogan kuyeelatay.

Villa Soomaaliya, waxaa la xaqiijiyey in Madaxda M/Qeybeedyada ayaa Gunada laga jarayaa, maantana Shaqaalaha ku qoondada Beeleedka ah Agaasimaha Guud iyo Madaxweynaha ayaa helay xaquuqdooda oo aan waxba laga bedelin, sidaas oo kale xubnaha cusub ee laqaatay kadib Isbedelkii May-2022 ayaa helay Lacagtooda oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here