HomeWarkiiWar dhagaha reer Gal-mudug ku farxaan oo ka soo baxaya xaalada dhismaha...

War dhagaha reer Gal-mudug ku farxaan oo ka soo baxaya xaalada dhismaha Dekada Hobyo

HOBYO (DAYNIILE.COM)-Xaalada Dekada weyn ee laga dhisayo Magaalada Habyo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa ka soo baxaya warar dadka reer Gal-mudug farxad gelin kara gaar ahaan halka uu marayo dhismaha iyo taaba-gelinta dekada wayn oo uu yeesho Maamulka Galmudug.

Masuuliyiin katirsan kooxda loo xilsaaray dhismaha Dekada Hobyo ayaa bulshada la wadaagay in rajadu %100 ay tahay madaama sida ay sheegeen dhaqaalihii ku bixi lahaa gacanta lagu hayo iyo sidoo kale qalabkii dhismaha oo iyagana inta ugu muhiimsaneyd soo xarootay.

Sidoo kale kooxda shaqada dhismaha ku jirta waxay sheegayaan inuu heer dhamaad ah soo gaaray tababar u socday ciidankii gaarka ahaa oo amniga Dekada Hobyo loogu talo galay  kuwaasoo dareyskii askarnimo iyo qalabeyn intaba diyaar loola yahay.

Wararka ku saabsan dhisamaha Dekada ayaa sidoo kale sheegaya in sidoo kale dhismaha guryaha shaqaalaha isan uu heer gabo gabo ah marayo oo shaqadiisa lagu jiro.

Dekada Hobyo inay reer Galmudug ku maanaafacaadsadaan juhdi badan ayaa la geliyay balse hada waxaa soo dhaw xarig jarkii iyo rajadii reer Galmudug oo mira dhasha insha Allah.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -